Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xiisad colaadeed oo taagan duleedka degmada Balanbale ee gobolka G/guduud

Wararka aan ka heleyno degaanka Jiicle oo hoostaga degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu dilay hal Ruux oo la sheegay inuu ahaa Xoolo Dhaqato.

Dilkan ayaa daba socda dil kale oo maleeshiyo hubeysan duleedka degmada Balanbale ugu geysteen ruux ka mid ahaa dadka degaanka, waxaana la sheegay in dilka kadib maleeshiyada ay goobta isaga baxsadeen.

Wararka ayaa waxay intaasi ku daraya in dilalkan ay la xiriiraan aanooyin qabiil oo u dhexeeya beelo halkaas wada dega.

Sidoo kale wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in xiisad colaadeed ay saaka ka taagan tahay duleedka degmada Balanbale taasoo ka dhalatay dilalka halkaas ka dhacay.

Maamulka degmada Balanballe iyo saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug weli kama hadlin dilkii ka dhacay degmada Balanballe oo laga cabsi qabo iney isu bedelaan colaad toos ah hadii aan laga hortegin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee Madaxweyne Farmaajo & wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali

Ololaha ciribtirka gudniinka ee (Gacalo gabadheyda) oo laga daahfuray Baydhabo

Caydiid Ali

Mareykanka & M/Yurub oo bogaadin u jeediyey Galmudug, Hirshabelle iyo Rooble

Caydiid Ali
Taboola Ads ---