Ganacsato ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo oo sabab layaab leh loo xiray !!

Wararka ka imaanaya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray ganacsato caan ka ahaa degmadaasi, kuwaa oo la sheegay in ay isku heyb hoose yihiin Madaxweyne Farmaajo.

Ganacsatada la xiray oo sadex nin ahaa ayaa waxaa xabsiga dhigay ciidamada amaanka  Balad Xaawo, waxaana la sheegay in sababta loo xiray ganacsatan ay lug ku leedahay xariga dowlada federaalka u geesatay Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Ciidamada xiray ganacsatadan ayaana la sheegay in ay aad isugu dhaw yihiin Cabdirsahiid Janan oo ku xiran magaalada Muqdisho, waxa ayna doonayaan in xariga ganacsatadan cadaadis uga dhigaan sii deysmada Cabdirashiid Janan.

Madaxda sare ee maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin talaabada loo xiray ganacsatadan aan dambiga galin, waxaana socda dadaalo la doonayo in ganacsatadan xabsiga looga sii daayay maadaama aysan iyagu shaqo ku laheyn xariga Janan.

Odayaal iyo ganacsato kasoo jeeda gobolka Gedo oo Muqdisho u yimid sii deysmada Cabdirshadiid Janan ayaa ku fashilmay, waxa ayna Odayaasha oo dib ugu laabtay Gedo sheegeen in Madaxweyne Farmaajo ka diiday deesmada Janan uuna shuruudo ku xiray.

 

- Advertisement -