Erdogan oo ka laabtay Go’aan ka careesiiyay Mareykanka una muuqday Bahdil

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay shaaciyay in uusan la kulmi doonin wafdi sare oo dowlada Mareykanka u dirtay dalkaasi si ay Madaxweynaha ugala hadlaan howlgalka ciidamada Turkiga ka bilaabeen Waqooyiga Siiriya.

Wafdiga Mareykanka waxaa hogaaminayay Madaxweyne kuxigeenka dalka Mareykanka Mike Pence ,waxaana wafdiga sidoo kale la socday Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo.

Madaxweyne Erdogan ayaa shalay si lama filaan ah u sheegay in uusan si shakhsi ah ula kulmi doonin wafdiga Mareykanka, waxaana dad badan hadalkan u fasirteen mid Madaxweyne Erdogan ku bahdilayay wafdiga Mareykanka.

Wariye Wareysi ka qaadayay Madaxweyne Erdogan ayuu u sheegay in wafdiga Mareykanka marka ay Turkiga yimaadaan ay la kulmi doonaan xubnaha la darajada ah, waxa uuna tilmaamay in isaga kaliya la kulmayo Madaxweyne Trump

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Turkiga ayaa caro badan ku abuuray dowlada Mareykanka, waxaana dadaalo kadib Madaxweyne Erdogan uu badalay go’aankiisii hore isagoona mar kale sheegay in uu la kulmi doono wafdiga Mareykanka.

Agaasimaha waaxda isgaarsiinta ee Turkiga ayaa shaaciyay muuqaal muujinaya Mr Erdogan oo warfidiyeenka u sheegaya inuu la kulmi doono labada sarkaal ee ugu sarreysa wafdiga Mareykanka.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka Mice Pence oo ka hadlay go’aankii hore ee Madaweyne Erdogan ayuu sheegay in si kastoo ay ahaataba uu tagi doono magaalada Ankara ee caasimadda u ah Turkiga si arinta uu u socdo u guda galo.

Dowladaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa hada xiriirkoodu meel xun marayaa, waxaana Mareykanka saaray Turkiga cunaqabateyn iyo xayiraado, iyagoo ku cadaadinaya joojinta dagaalka ay Turkiga kula jiraan Kurdiyiinta Siiriya.

- Advertisement -