Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dilal ka dhacay magaalada Muqdisho

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilal saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in dilalkaasi u geesteen saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada.

War kooban oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in xalay degmada Waabari dagaalyahanooda ku dileen sadex sargaal oo ay sheegeen in ay katirsanaayeen Sirdoonka Soomaaliya sidoo kale ka qaateen biskoolado ay wateen.

“Mujaahidiinta ayaa sedax katirsan Sirdoonka dharcadka loo yaqaan ku dilay degmada Waaberi bastooladihii ay wateenna waa ka qaniimeysteen Alle ayaa ku mahadsan mujaahidiinta usuurta geliyay howlgalkan guulaystay” ayaa lagu yiri warka Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in xaafad katirsan degmada Dharkeenley ku dileen sargaal labo xidigle ah oo magaciisa ku sheegeen Maxamed Cusmaan Calasow, waxa ayna Shabaab sheegeen in raga dilalka geestay ay si nabad galyo ah u baxsadeen.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan ka hadlin dilalkan ka dhacay magaalada Muqdisho oo Al Shabaab sheegatay, waxaana dilalkan imaanayaan xili isbadalo lagu sameeyay qaar kamid ah taliska booliiska gobolka Banaadir.

 

- Advertisement -