Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ka dhacay New York iyo Ninkii ka dambeeyay oo la qabtay (Daawo Sawirada)

Qarax ayaa ka dhacay goob basaska laga raaco oo kutaala magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana qaraxan dhaawacyo fudud kasoo gaareen ninkii ka dambeeyay iyo afar qof oo kale.

Nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa ku qarxay goobta basaska laga raaco, waxaana qaraxan uu noqday mid fashilmay oon u dhicin sidii loo qorsheeyay sida uu sheegay Duqa magaalada New York.

Saraakiisha laamaha amaanka ayaa war kooban ay soo saareen ku sheegay in qaraxan uu ka dambeeyay nin 27-sano jir ah oo lagu magacaabo Akayed Ullah, waxaana ninkan jirkiisa kusoo xiray waxyaabo qarax laga soo sameeyay.

Duqa magaalada New York oo ka hadlay qaraxan ayaa sheegay in argagaxisada marnaba aysan guul gaaren , waxa uuna intaa raaciyay in qaraxa ka dhacay New York kaliya uu fuliyay ninkan ciidamada qabteen.

Dalka Mareykanka waxaa ka dhacay qaraxyo ay geesteen kooxo xariir la leh Kooxda Daacish, waxaa sidoo kale dalkaasi ka dhacay weeraro kale ay geestaan kooxo cunsuriyiin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo digniin culus ka bixisay musiibo ku soo wajahan caalamka

Caydiid Ali

Suuqa Bakaaraha oo loo sameeyay Wadooyin qurux badan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiirkii Arrimaha gudaha Galmudug oo ka hor yimid xil ka qaadistii lagu sameeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---