Allbanaadir.com
NEWS

Putin oo ka hadlay Go’aankii Trump iyo Erdogan oo Isra’iil u aqoonsaday Argagaxiso

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa si adag uga hadlay Go’aankii carada badan dhaliyay ee Madaxweynaha Mareykanka magaalada Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay Caasimada Israa’il.

Vladamir Putin oo ka hadlay kulan uu Magaalada Ankara kula qaatay Dhigiisa Turkiga ayuu ku sheegay Go’aankii Trump mid aan xiligan loo baahneyn oo meesha ka saaraya wadahadaladii Nabada ee Falastiin iyo Israa’il.

Dhinaca kale Madaxeweynaha Turkiga ayaa mar kale si adag u cambaareeyay Go’aanka Dowlada Mareykanka , waxa uuna sheegay Erdogan in Mareykanka dhiig gacmaha kula jiraan.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku tilmaamay Israa’il kuwa argagagxiso ah oo dadka si micno darada ah u dila , waxa uuna ku tilmaamay dadka Falastiin ee dileen Ciidamada Yahuuda kuwa Shuhado ah .

Inta badan Wadamada Caalamka ayaa kasoo horjeestay si kululna u cambaareeyay Go’aankii dowlada Mareykanka ugu aqoonsatay magaalada Barakeesan ee Qudus Caasimada Maamulka Israa’il.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Jen. Tuuryare oo shaki ka muujiyey ciidanka Itoobiya ee gaaray Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Sheekh Shariif oo si adag ula hadlay Madaxweyne Farmaajo una diray Fariin culus

Cabdi Cade

Xildhibaano isku dhaarsaday in ay bad baadiyaan Gudoomiye Jawaari

Cabdi Cade
Taboola Ads ---