Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kenya oo qiratay in askar badan looga laayey qarax ka dhacay xadka Somalia

Ugu yaraan 11 askari oo ka mid ah ciidamada Kenya ayaa ku dhintay xuduuda Kenya iyo soomaaliya ka dib markii gaarigii ay al socdeen ay la kacday miino waddada lagu aasay.

Sida ay qareen warbaahinta Kenya 11 askari ay ka tirsanaa ciidamada sida militariga u tababaran ee GSU loo yaqaano.

Madaxa booliska waddanka Kenya ayaa sheegay in ciidamo boolis ah la gayn doono goobtii shalay gelinkii dambe lagu weerraray ciidamo ka tirsan booliska Kenya oo u tababaran sida milateriga oo kale.

Dhacdadan ayaa ka dhacday waddada isku xirta degaanada Liboya iyo Dhadhaab ee gobolka woqooyui bari Kenya.

Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen 11 askari, isagoo ciidamada amaanka faray iney soo qabtaan kooxihii ka dambeeyey.

Kenya ayaa waxaa ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya waxayna ciidamadaasi qeyb ka yihiin kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom.

Weerarkan oo la aaminsan yahay iney geysteen Al-shabaab ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa mudooyinkan ee loo geysto ciidamada Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shil ay ku lug yeesheen in ka badan boqol gaari oo ka dhacay Maraykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Gaadiid qaraxyo ku xiran yihiin oo soo galay Muqdisho iyo Goobaha laga cabsi qabo

Caydiid Ali

Hay’adda NISA oo sheegtay iney qabatay Sarkaal halis ah oo ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---