Shil ay ku lug yeesheen in ka badan boqol gaari oo ka dhacay Maraykanka (Sawirro)

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dad kale oo badana waa ay ku dhaawacmeen shil gaadiid oo ka dhacay magaalada Fort Worth ee gobalka Taxes ee dalka Mareykanka.

Shilkan ayaa waxaa ku lug yeeshay in ka badan boqol gaari oo marayay wado weyn oo dhowr jiho isku dhaafta.

Gaadiidka oo isugu jiray xamuul iyo kuwo yar yar ayaa isdul barkaday iyadoo sababta lagu sheegay baraf wadada ka dhigay mid lagu sibqado.

Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in qasaaraha dhimashada uu kordhi karo maadaama uu wali gurmadku socdo.

Booliska waxay sidoo kale sheegeen inay waqti qaadan doonto kala gurida gaadiidka isku riiqmay taana ay sababi doonto in dhabaha oo muhiim ah uu xirnaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -