Daawo Sawirada: Bajaajley Banaan bax kahor dhigay xarunta CID-da iyo Sababta ka dambeysa

Warar goordhaw aan helnay ayaa sheegaya in qaar kamid ah dhalinyarada ku shaqeysatada Mooto bajaajta banaan bax ka hor dhigeen xarunta Dambi baarista CID-da ee kutaala meel ku dhaw Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho .

Bajaajleyda ayaa ka careesan haweeney la sheegay in wiil Mooto bajaaj ku waday ku durtay cirbad , waxaana haweeneydaasi ciidamada booliiska ku xireen xarunta CID halkaas oo lagu baarayo.

Darawalada Mooo Bajaajta ee banaan baxa dhigayay ayaa dalbanayay in banaanka loo soo saaro haweeneyda cirbada ku mudan wiilka bajaajlaha ah, waxa ayna mudo xireen laammiga hor mara xarunta CID-da.

Wiilka Cirbada lagu muday oo aad u qeylinaya ayaa ku sugan xarunta Dambi baarista CID-da , lamana oga ilaa hada cirbada la sheegay in wiilkan lagu muday waxa ay tahay iyo ujeedka ka dambeeya.

Muqdisho waxaa kusoo batay dhacdooyinka la xariira in ay jiraan haween cirbado wata oo dhabarka dambe uga muda dhalinyarada ku shaqeesatada mooto bajaajta, mana jiro ilaa hada wax war ah oo arintan kasoo saareen laamaha amaanka iyo maamulka gobolka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -