Milateriga Turkiga oo howlgalkii la sugayey ka bilaabay Woqooyiga Siiriya (Sawirro)

Ciidamada Turkiga ayaa billaabay howl-galkii militari ee muddada la qorsheynayey ee Waqooyiga Syria, si looga sifeeyo ciidamada Kurdish-ka ee ay ugu yeereen argagixisada.

Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa ku dhowaaqay billowga howl-galka, oo uu ugu yeeray “Guga Nabadeed”, waxaana uu sheegay in looga dan leeyahay cirib-tirka halista argagixsada ee ka dhanka ah Turkey.

Ciidamada Dimoqraadiga Syria (SDF) ee Kurdish-ka ay hoggaamiyaan ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Turkiga ay garaacayaan goobo shacab, taasoo argagax weyn sababtay.

Howlgalkan militari ayaa billowday maalmo kadib markii Aqalka Cad ee Mareykanka uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay in ciidamada Mareykanka ay ka baxayaan gobolka, si ay dhabbaha ugu xaaraan howlgalka Turkiga.

Madaxweyne Trump ayaa weli difaacaya go’aankiisa, xilli aad looga dhalleeceeyey gudaha Mareykanka, isaga oo yiri “dagaalladeenna aan dhamamadka lahayn ee doqomeed, waa ay dhammaanayaan”

“Dagaallo u dhaxeeya kooxo badan oo kala duwan oo socday muddo dheer Mareykanka marnaba ma ahayn inuu joogo Bariga Dhexe. Waan la baxnay askarteena. Turkey waa inay la wareegaan dagaalyahannada Daacish ee la qabtay ee Yurub ay diiday inay dib ugu laabtaan” ayuu yiri Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -