Shariif & Xasan Shiikh oo abaabulka dibed-baxa ka bilaabay hotel ku dhow daljirka Dahsoon

Madaxdii hore ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud & Shariif Shiikh Axmed ayaa caawa degay Hotelka Maa’ida (Ex-Naasa-hablood 2) oo ku yaalla meel aan sidaa uga fogeyn xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho

Sida ay sheegayaan warar soo baxaya labada hogaamiye ay halkaas ka bilaabeen abaabulka bannaanbaxa mucaaradku ku baaqay Jimcaha oo ka dhacaya sida la filayo Taalada Daljirka Dahsoon oo kaabiga ku heysa Hotelka Naasahablood 2.

Sidoo, kale Ciidamo fara badan oo ilaalo u ah Madaxweyneyaahii hore ayaa la wareegay ammaanka Hotelka iyo nawaaxigiisa, halkaasoo sidoo kale ku dhow Bar kontarol oo Ciidanka Madaxtooyada ku leeyihiin agagaarka Taalada Xaawo Taako iyo Gurigii hore ee hooyooyinka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dowladdu joojisay dhammaan isu-imaatinnada dadweynaha, si looga taxaddaro faafidda caabuqa COVID-19.

Hase ahaatee mucaaradka ayaa sheegay in banaanbaxa aysan joojineyn oo uu yahay xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin, ayna banaanbixi doonaan iyagoo ilaalinaya kala fogaanshaha dadka iyo talooyinka kale ee la xiriira ka hortaga cudurka Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -