Dagaal goordhaw ka bilowday magaalada Kismaayo iyo xog ku aadan cida uu u dhaxeeyo

Waxaa goordhaw dagaal uu ka bilowday magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, dagaalka ayaana sida aan wararka ku helnay u dhaxeeya ciidamada Jubbaland iyo ciidamo kale oo ka amar qaata siyaasiga Cabdinaasir Seeraar .

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa ka socda Isgooska Siinay ee xaafada Farjano gaar ahaan meel ku dhaw guriga uu degan yahay Siyaasiga Cabdinaasir Seeraar oo horey u sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Jubbaland.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay wali maqlayaan rasaasta ay labada dhinac is dhaafsanayaan, waxaana dadka degan aaga dagaalku ka socdo bilaabeen in ay halkaasi isaga barakacaan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalku ka bilowday isku dhac dhax maray ciidamada ilaalada u ah guriga Cabdinaasir Seeraar iyo ciidamo kale uu watay taliyaha booliiska qeybta Jubbada Hoose oo degan meel aan ka fogeyn guriga seeraar,.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalkan goordhaw ka bilowday magaalada Kismaayo, mana jiro wali wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ku dagaalamay Kismaayo.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala Soco wararkayaga Dambe Insha Allah 

 

- Advertisement -