Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay Geerida Sacad Cumar Geelle

Madaxweynaha a Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray  Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti,waxa uuna uga tacsiyeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee marxuum Sacad Cumar Geelle.

“Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan.

Sacad Cumar Geelle oo ahaa maamulaha dekeda Jabuuti ayaa ku geeriyooday dalka Faransiiska oo howlo caafimaad loo geeyay, waxaana geerida masuulkan ka tacsiyadeeyay masuuliyiin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo soo bandhigtay sarkaal ka tirsan Daacish oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xuseen Madkeer Ismaciil oo sanado ka dib isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali

Wasiir Cadaalla oo sheegay in lala xisaabtamayo shakhsiyaad ku kacay arrin halis ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---