Shirkii Afisiyooni oo fashilmay & Wasiir Dubbe oo eedeeyey Deni iyo Axmed Madoobe

Shirkii hordhaca ahaa ee Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ee ka socday Afisyoone ayaa fashilmay ka dib markii la isku mari waayey qodobo la isku hayey

Arrintan ayaa timid ka dib markii Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ay isku khilaafeen in ajandaha shirka soo socda lagu soo daro amniga doorashada, gaar ahaan doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada.

Farmaajo ayaa diiday sida wararku sheegayaan in ajendaha shirka lagu soo daro sadex qodob oo ay ka mid yihiin, Muddo xileedkiisa iyo kan Baarlamaanka, Masuuliyada amniga dalka xilliga doorashada iyo In Soomali ama beesha caalamka marqaati ka noqdaan wadahadalka.

Wasiirka warfaafinta Somalia Cusmaan Dubbe ayaa ku eedeeyey madaxda Puntland iyo Jubbaland iney masuul ka yihiin wadahadalka burburay.

“Waxa hadda soo gebegaboobay shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka oo illaa bishii hore ee March dhammaadkeedii lagu dedaalayey in lagu qanciyo madaxda Puntland iyo Jubaland qabsoomidda doorashada. Haddaba Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn” ayuu yiri wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -