(Sawirro) Taliska Ciidamada Maraykanka oo faahfaahin kla bixiyey weerarkii Bali-doogle

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday saldhigga Ballidogle aan wax khasaare ah dhimasho iyo dhaawac kasoo gaarin ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida.

Talisku waxa uu sheegay inay gaysteen laba duqaymood, isla markaana ay ku dileen toban ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen mid ka mid ah baabuurta Al-Shabaab.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkaas lala socday inta aysan soo qaadin Al-shabaab ka hor, loona diyaar garoobay.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa iyaguna sheegtay inay weerarkaasi ku qaadeen saldhigga iyaga oo adeegsanaya baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo weliba dagaalyahano hubaysan.

Waxay sheegeen iney laayeen askar boqol ka badan, ayna burburiyeen dayuurado iyo gaadiid ay lahaayeen ciidamada Maraykanka hase ahaatee ma jiraan warar madax banaan oo sheegashadaas xaqiijinaya, iyadoo dadka falanqeeya arrimaha al-shabaab ay ku tilmaameen warkaas Mid ka badbadis ah.

Warbaahinta dowlada ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay muuqaalka gantaal culus oo ciidamada Maraykanku ku dhufteen mid ka mid ah gaadiidka Al-shabaab oo xerada ku soo dhowaaday.

Ciidamada Danab ee Soomaaliya ayaa iyana waxay sheegeen in weerarka ay ka hortageen, ayna iska caabiyeen Al-Shabaab ka hor inta aysan gaarin xeyndaabka garoonka Balidogle.

Taliyaha ciidamada Danab ayaa sheegay in afar gaari iyo ciidamo lugeynayay ay Al-Shabaab ku weerartay saldhigga uusana qofna ka noqonin kuwii weerarka soo qaaday, isagoo xusay in weerarkaas uu muujiyey taag darida kooxda Al-Shabaab.

Saldhigga oo qiyaastii 100km dhanka galbeed kaga beegan Muqdisho, waxaa la sheegaa in uu xarun u yahay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka iyo kuwa Nabad Ilaalinta ee Uganda. Waxaa loo adeegsadaa weerarrada ay qaadaan diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Drones-ka, waana xarun tababar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -