Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah: Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari oo is casilay

Warar goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir.com ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu is casilay.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan xarunta golaha Shacabka ayaa noo sheegay in Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey u yimid xarunta golaha Shacabkana una aqriyay Warqada is casilaada.

Gudoomiye Cabdiweli Muudey ayaa sheegay in Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu is casilay isaguna uu ka aqbalay, waxa uuna ka dalbaday Xildhibaanadii joogay xarunta golaha shacabka in ay kala tagaan .

Wadahadalo saacado badan qaatay oo ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya,iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  ayaa ugu dambeyn lagu qanciyay Jawaari in uu is casilo.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Iscasilaada Jawaari kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa xiligan ku soo beegay in DF bedesho Maamulkii ka jiray gobolka Gedo?

Caydiid Ali

Israel oo Khasaarihii ugu badnaa loogu geystay Gaza

Caydiid Ali

Saraakiil & dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu duqeeyey Jubada dhexe

Caydiid Ali