Meydka Masuul Al Shabaab Gowraceen oo laga helay dalka Kenya iyo Baaritaano socda

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo dhawaan weerar ku qaaday Deegaanka Gumarrey ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegay in halkaasi ka qafaasheen Gudoomiyihii deegaankaasi Cumar Aadan Buul.

War kasoo baxay booliiska magaalada Wajeer ayaa lagu sheegay in ciidamada booliiska heleen meydka Cumar Aadan Buul oo ahaa kaaliyihii saldhigga degaanka Gumarey, waxaana meydka ninkan isaga oo gowracan lasoo dhigay meel ka baxsan Gumarrey.

Ciidamada booliiska ayaana ku tuhmaya in dilka fuliyeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxaana booliiska sheegeen in ay socdaan baaritaano ay ku ogaanayaan cidii dilkaasi fulisay .

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku qaada deegaano kuyaala gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, waxa ayna Al Shabaab si gaar ah u beegsadaan xarumaha booliiska iyo xarumaha shirkada Safaricom.

Al Shabaab oo horey u shaacisay in deegaanka Gumarrey ka qafaasheen Gudoomiyihii deegaankaasi ayaan wali ka hadlin dilkiisa, waxa ayna horey Al Shabaab gudaha Kenya uga qafaasheen askar iyo dad kale.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -