Saraakiil & dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo caawa lagu laayey duleedka Aw-dheegle

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Midowga Afrika ee AMISOM ayaa fiidnimadii hore ee caawa duqeyn ku dilay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kooxda Al-Shabaab sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

Duqeyntan ayey ciidamadu ka fuliyeen duleedka Koonfureed ee degmada Awdheegle ka dib markii ay ciidamada Xoogga dalka ay ka war heleen inay goobtaas isku urursadeen dagaalyahano Al-Shabaab ah oo doonayey iney weeraro ku soo qaadaan degmada Aw-dheegle .

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in duqeyntan lagu qaarijiyey saraakiil iyo dagaalyahano ka badan 20 kuwaasoo uu ka mid ah ku xigeenka madaxa Jabhadaha Al-Shabaab Xasan Abshir Jabriil (Xasan Jiirow).

“Horjooge Xasan Jiiroow oo caawa ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed soo af jareen waxa uu hogaaminayey weeraro dhowr ah oo ay Al-Shabaab horey ugu qaadeen deegaanno ay ka mid yihiin Janaale iyo Bariire oo gobolka Shabeelada Hoose ka tirsan” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -