Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’isul Wasaare Xamza oo safarkiisii ugu horeeyey kaga ambabaxaya Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Waxaa Magaalada gaaray shalay wafdi uu horkacayo Wasiirka difaaca Somalia C/qaadir Maxamed Nuur kaasoo hordhac u ah booqashada Raisul Wasaaraha, iyadoo sidoo kale la xoojiyey amaanka magaalada.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow xafiiska Xamza ujeedka booqashadan ayaala xiriirta u kuurgelida xaaladda dadka ku nool magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo Ciidamada dowladda ka wadaan degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Maalmihii la soo dhaafay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa safaro ku marayay degaano ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana lagu wadaa inuu gaaro magaalada Beladweyne si uu halkaas ugu soo dhoweeyo wafdiga Raisul Wasaaraha.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee Raisul Wasaaruhu kaga ambabaxo magaalada Muqdisho tan iyo markii dhowaan loo magacaabay xilka.

Related posts

Curinta laba xisbi oo waaweyn maslaxad ma ugu jirtaa dowladnimada Soomaaliya?

Caydiid Ali

Duulimaadyadii Somalia ee ay xayirtay Kenya oo xeelad cusub loo helay & Farmaajo oo..

Caydiid Ali

Taliyihii Milatariga Itoobiya iyo saraakiil kale oo la dilay iyo Abiy oo ka hadlay 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---