Sheekh Xasaan iyo Xubno kale oo Soomaali iyo ajaaniib ah oo xayiraad la saaray (Magacyada)

Dowlada Mareykanka ayaa shaqsiyaad Soomaali Kenyan ah iyo ajaaniib kale oo Kenya kunool saartay xayiraad , waxaana dadkan lagu eedeeyay in xiriir dhaw la leeyihiin ururo argagaxiso .

Wasaaradda Maaliyadda Dalka Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogtay Shaqsiyaad isugu jira Ganacsato iyo Culimo caan ka ah gudaha Kenya, waxaana dowlada Mareykanka dadkan ku eedeesay in xiriir dhaw la leeyihiin kooxo argagaxiso lagu sheegay.

Shaqsiyaadka dowlada Mareykanka xayiraada saartay hantidooda ayaa waxaa kamid ah wadaadka caanka ah ee  Sheikh Hassaan Hussein Adam (Hussein), Sheikh Hassaan (Omar), Mr Hassan Mahad (Omar) iyo  Mr Hassan Mahad.

Waxaa sidoo kale liiska ku jiray Cabdifatax Abubakar Cabdi oo loo yaqaan (Muhaajir Musa) oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo degan magaalada Mombasa ee dalka Kenya, iyo sidoo kale Hay’ada Al Xarameyn ee fadhigeedu yahay magaalada Gaarisa.

Dadka kale ee xayiraada dhaqaale saartay Wasaarada maaliyadda dalka Mareykanka waxaa ku jira rag u dhashay dalka Masar balse heesta dhalashada dalka Kenya kuwaa oo magacyadooda lagu sheegay Al Masri, Abd Al Wakil (Ali) iyo Moustafa Ali Elbishy (Al Masri)

Dowlada Mareykanka ayaa dhamaan dadkan ay magacyadooda shaacisay saartay xayiraad hantida dadkan ay ku leeyihiin Mareykanka, dadkan xayiraada la saaray qaarkood ayaana beeniyay dambiyada lagu soo eedeeyay ee ah in xiriir la leeyihiin argagaxiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -