Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon maanta lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkiisa

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa maanta xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaqshiid waxa ay ku dileen nin nabadoon ah oo la sheegay in uu kamid ahaa Odayaashii soo doortay Xildhibaanada golaha Shacabka.

Dhalinyaro biskoolado ku hubeesnaa ayaa la sheegay in dhowr xabadood ku dhufteen  Nabadoon Cabdiraxmaan Axmed Miinay Qaloosh , waxaana dilka kadib gooba ka baxsaday ragii fuliyay.

Idaacadaha magaalada Muqdisho qaarkood ayaa baahiyay in nabadoonka la dilay ee Cabdiraxmaan Qaloosh uu kamid ahaa ergadii Xildhibaanada kusoo doortay magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle.

Ciidamo katirsan booliiska gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano la sheegay in aysan wax natiijo ah kasoo bixin.

Al Shabaab ayaa horey waqti kooban ugu qabatay odayaashii iyo ergadii Xildhibaanada kusoo doortay maamulada dalka, waxa ayna Al Shabaab ugu hanjabeen dil ergadii iyo odayaashii amarkooda ka biyo diida.

Related posts

Imran Khan oo si Cajiib ah uga fal celiyay xayiraad dhinaca safarka oo la saaray

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal xooggan oo ka socda Wadooyinka Kiev

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo qabtay dad badan oo Al Shabaab ku biiri rabay iyo gaari ay wateen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---