C/wali Gaas oo la kulmay wafdi uu horkacayey Mr. Peter De Clercq (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku Qaabilay Wafdi uu hoggaaminayey Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee dhinaca Aadanaha.

.Wafidigan oo ka soo kicitimay Magaalada Muqdisho ayaa ayaa waxay madaxda Puntland ka wada hadleen arrimo la xiriira siyaasada, abaaraha ka jira Puntland iyo xaaladaha guud ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliaya dhinaca aadanaha Peter De Clercq ayaa inta uu socday kulan kooda waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa mashaariicda horumarineed ee UN ku ka fuliyaan Puntland.

Dhinca kale Madaxweynaha  Puntland ayaa tilmaamay in Puntland ay mar walba u taagan tahay sidii loo heli lahaa dawladnimo Soomaaliyeed oo buuxda oo ku dhisan caddaalad isla markaana haysata kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, si loo helo shacab iyo dawlad isku duuban oo si wada jira uga hor taga xaalada cakiran ee Soomaaliya

.Sidoo kale ku xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya dhinaca aadanha Peter De Clercq ayaa dawaladda Puntland ku amaaney doorka iyo kaalinta siyaasadeed ay ka qaadatay Nabadda, iyo xasilinta Soomaaliya, isla mar ahaantaana wuxuu Peter De Clercq dawladda Puntland Ku amaaney inay qayb lixaad leh ka qaadato ka shaqaynta arimaha bini aadantinimada.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Puntland ayaa Peter De Clercq iyo weftiga la socdey si qoto dheer ugaas xog Waramey xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, isagoona Madaxweynahu sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -