Madax hore iyo Siyaasiyiin Caan ah oo laga yaabo in Diyaarado Milatari ku tagaan Kismaayo

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xanibtay duulimaadyadii aadi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, halkaas oo la filayo in dhawaan ka dhacdo xaflad lagu caleemo saarayo Sheekh Axmed Madoobe.

Xayiraada dowlada kusoo rogtay duulimaadkii Kismaayo aadi jiray ayaa ah mid ay uga gon leedahay carqaladeynta Caleemo saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe oo la filayay in Madax kala duwan ka qeyb galaan.

Maamulka Jubbaland ayaa dib u dhigay caleemo saarka Sheekh Axmed Madoobe kadib xanibaada dowlada kusoo rogtay duulimaadka Kismaayo, waxaana maamulka Jubbaland raadinayaan hab kale ay Madaxda lagu casuumay munaasabad ku imaan karaan Kismaayo.

Qaar kamid ah Madaxdii dalka horey usoo martay ay ku jiraan Madaxweynayaal iyo Ra’isul Wasaarayaal iyo Madax maamul goboleed ayaa lagu wadaa in ay isugu tagaan magaalada Nairobi si ay halkaasi uga sii aadaan magaalada Kismaayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in mamaulka Jubbaland dowlada Kenya kala hadashay sidii gacan uga geesan laheyd qabsoomida munaasabada Caleemo saarka iyo sidii ay Kismaayo ku tagi lahaayeen Madaxda lagu casuumay munaasabada.

Sida aan wararka ku heleyno waxaa suurto gal ah in Madaxda munaasabada lagu casuumay diyaarado ka raacaan magaalada Nairobi si ay u tagaan Kisaayo, waxaana wararka qaar sheegayaan in suurto gal tahay in Madaxdaasi lagu qaado diyaarado milatari.

Sheekh Axmed Madoobe oo xiriir dhaw la leh dowlada Kenya ayaa isku dayaya in uu qabsado munaasabad uu isku caleemo saarayo, waxa uuna Axmed Madoowe wado kasta u marayaa sidii munaasabadaasi u tagi lahaayeen Madax hore iyo mucaaradka dowlada.

Madaxweynayaashii hore qaar sida Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay in ay ka qeyb galaan caleemo saarka Axmed Madoobe, madaxdan iyo kuwa kale ayaana horey u taageeray doorashadii aan la aqoonsaneyn natiijadeeda ee ka dhacday Kismaayo

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in aysan aqoonsaneyn dib u doorashada Sheekh Axmed Madoobe, waxa ayna dowlada hada dadaal ku bixineysaa carqaladeynta is caleemo saarka Sheekh Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -