Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dhimashada Xayawaan Caan ahaa oo caro badan abuuray iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Xero dalxiis oo xayawaannada lagu daawado sidoo kale lagu xanaaneeyo oo ku taalla dalka Thailand, waxaa ku geeriyooday xayawaanka caanka ah ee loo yaqaan Oorsada oo laga lahaa dalka Shiinaha.

Warbaahinta dalka Shiinaha iyo kuwa caalamka ayaa si weyn u hadal haya geerida xayawaankan oo lagu magacaabi jiray Chuang Chuang, waxaana dhimashada Xayawaankan caro xoogan ka dhaliyay gudaha dalka Shiinaha.

Dowlada Shiinaha ayaa khubaro sare usoo dirtay dalka Thailand si ay baaritaan ugu sameeyaan sababta keentay geerida ku timid xayawaanka lagu magacaabayay Chuang Chuang oo ku xareesnaa xerada loo dalxiiska tago ee Chiang Mai.

Xayawaankan geeriyooday oo 10-sano jir ahaa ayaa si weyn caan uga ahaa gudaha dalka Thailand iyo waliba shiinaha, waxa uuna si weyn usoo caan baxay markii la sameeyay dhowr mar isku dayo loogu ol’oleynayay in dib loola miyeedo lamaantiisa.

Dadka shiinaha ayaa geerida xayawaankan si weyn uga hadlay baraha bulshada, waxaana qaar badan oo kamid ah dadkaasi oo ka careesnaa geerida xayawaankan ku eedeeyeen dowlada Thailand in aysan si fiican u xanaaneyn.

Xayawaanada nuucan ah ayaa kaliya laga helaa dalka Shiinaha, waxa ayna khubarada sida weyn u yaqaan xayawaanadan sheegeen in ay inta badan aysan da’dooda dhaafin 25 ilaa 30-sano.

Dowlada Shiinaha ayaa qaab amaah ku siisay xayawaanada nuucan ah dhowr dal oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo, waxaana dhimashada xayawaankan Chuang Chuang soo dedejisay in wax la iska weediiyo sida ay ugu noolaan karaan meel ka baxsan Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Mareykanka oo Shaaciyay in ay dileen 60-kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab

Cabdi Cade

Somalia & QM oo shir xasaasi ah ugu dhamaaday Muqdisho

Caydiid Ali

Dedaal intee le’eg ayuu Deni ku bixiyey in Somalia ay ka dhacdo doorasho xor ah?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---