Trump oo baajiyay kulan uu la qaadan lahaa Hogaamiyaal katirsan kooxda Taalibaan

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in uu baajiyay kulan maanta oo axad ah la qaadan lahaa Madaxweynaha dalka Afgaanistan Ashraf Ghani iyo hogaamiyaal sar sare oo katirsan kooxda Taalibaan.

Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay Madaxweynaha dalka Mareykanka ayuu ku sheegay in uu baajiyay kulanka ka dhici lahaa Camp David uu kula balan sanaa Madaxweyne Ghani iyo Hogaamiyaal katirsan Taalibaan.

Baaqashada kulankan ayaa sabab looga dhigay kadib markii kooxda Taalibaan sheegatay masuuliyada weerar dhawaan ka dhacay magaalada Kabul oo lagu dilay askari Marekanka ah iyo ciidamo kale oo NATO katirsan.

Madaxweyne Donlad Trump ayaa sidoo kale sheegay in uu joojiyay heshiis nabadeed oo uu dalkaasi la galay ururka Taalibaan, kadib wadahado mudo u socday dowlada Mareykanka iyo xubno kstiran Taalibaan.

Mareykanka iyo Taalibaan ayaa yeeshay wadahadallo sagaal wareeg galay waxaana wadahadaladaasi  ka dhaceen dalka Qatar, waxaana ergayga Mareykanka u qaabilsan wadahadalada sheegay in mabda ahaan heshiis nabadeed gaareen labada dhinac.

Heshiiska qabyada ah ee la gaaray ayaa waxaa ka mid ah, in Mareykanka uu muddo 20 todobaad gudahii ah uu dalka Afghanistaan kala baxo 5,400 oo askari, waxaana meel marinta hesghiiskan ama diidma iska leh Madaxweyne Donald Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -