Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Mursal oo Magaalada Ankara kula kulmay dhigiisa Turkiga (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa magaaladda Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay dhiggiisa dowladda Turkiga Mudane Mustafa Şentop.

Waxay ka wada hadleen labada guddoomiye xoojinta xiriirka labada Baarlamaan iyo isdhaafsiga khibradaha.

Sidoo kale Guddiyada labada Baarlaman ee Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxay isdhaafsan doonaan booqashooyin, sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirka, Waxaana Aqoon kororsi iyo tababaro la siin doonaa shaqaallaha Baarlamaanka, sida lagu daabacay Bogga rasmiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Inta uu soconayay kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa Guddoomiye Mursal ku casuumay dhiggiisa Turkiga in uu yimaado Soomaaliya, waxaana Guddoomiya Baarlamaanka Soomaliya uu wadaa dadaalo uu ku doonayo in Guddiyada iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka ay helaan tabarro iyo booqashooyin Khibrad Is-dhaafsi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay degmada Belad-xaawo

Caydiid Ali

Farmaajo oo amar cusub siiyey Xukuumadda & QM oo warbixin culus shaacisay

admin

Dowlada Somalia oo ciidamo gaar ah ka dejisay Baardheere & Xog ku aadan ujeedkooda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---