Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Diyaarado ay la socdaan Ciidamo Koofiyo Cas iyo wafdi kale oo gaaray Dhuusomareeb

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug gaaray diyaarado ay la socdeen wafdi horu dhac u ah safarka Madaxweynaha Soomaaliya la filayo in uu ku tago magaalada Dhuusomareeb.

Diyaaradaha gaaray magaalada Dhuusomareeb waxaa la socday ciidamo badan oo katirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee loo yaqaan Koofiyo cas ,kuwaa oo Madaxweynaha uga sii hormaray Dhuusomareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu gaaro magaalada Dhuusomareeb si uu usoo xiro shirkii dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudig oo mudo isbuuc ka badan ka socday Caasimada Galmudug.

Amaanka magaalada Dhuusomareeb ayaana si weyn loo sii adkeeyay, waxaana qeybo badan oo magaalada gaar ahaan xarumaha muhiimka ah lagu arkayaa ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Itoobiya oo Duqeeyay magaalada Makelle xilli TPLF ku baaqday Wadahadal

Cabdi Cade

Labo Sargaal oo katirsanaa Al Shabaab oo laga saaray Golaha Fulinta ee kooxdaasi

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Amray in la joojiyo iibinta Buugaagta Manhajka Dugsiyada sare ee Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---