Madaxweyne Trump oo xaqiijiyey in la dilay Wiil uu dhalay Osama Bin-Laden

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta xaqiijiyay dilka Hamza Bin Laden oo ahaa wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Al-Qacida, Osama bin Laden.

Bayaan uu Sabtida maanta ah kasoo saaray xafiiskiisa Aqalka Cad ayuu Trump ku sheegay, in Hamza Bin Laden lagu dilay howlgal ka dhan aha argagixisada oo laga fuliyay xadka u dhaxeeya Afghanistan iyo Pakistan.

Wuxuu sheegay in dhimashada Hamza aysan kaliya dhaawac dhanka hogaanka ah ku aheyn Al Qaacida, balse ay wiiqi doonto howlgallada iyo dhaqdhaqaaqyada muhiimka u ah kooxda.

Warbaahinta Mareykanka ayaa horraantii bishii August sheegtay, inay ilo wareedyo xaga mukhaabaraadka ah u sheegeen dilka ina Bin Laden. Xiligaas waxay warbaahintu sheegtay in ay ogaadeen in Xamza la dilay intii lagu guda jiray labadii sano ee la soo dhaafay, laguna khaarijiyay howlgal uu Mareykanka ku lug lahaa.

Xamza ayaa ahaa canuga 15-aad ee 20-ka carruur ee uu ka tagay Osama Bin Laden. Waxaa dhashay xaaska saddexaad ee Osama, waxaana sida la sheegay uu ku jiray da’da soddomeeyada. Waxaana lagu tirinayay inuu ahaa hogaamiye soo baxay oo ay yeelatay Al Qaacida.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa horey madaxiisa u saartay hal milyan oo dollar cidii soo sheegta goobta uu ku sugan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -