Allbanaadir.com
NEWS

Xukuno adag oo lagu riday rag loo heesto Qarax ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukuno kala duwan oo isugu jira dil iyo  xabsi daa’in ah ku riday labo nin oo lagu helay in ay katirsan yihiin Al Shabaab kana dambeeyeen qarax ka dhacay Muqdisho.

Maxkamada ayaa ku eedeesay  Xasan Cali Macalin Barre in uu xubin ka ahaa kooxda Al Shabaab isla markaana gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ku qarxiyay suuqa Kaawo Godey ee degmada Wadajir 26/11/2018,.

Waxa sidoo kale Maxkamada ciidamada qalabka sida ku heshay Sayid Cali Aadan Nuur (Istiin Boy), in Al-Shabaab u qaabbilsanaa soo galinta Magaalada Muqdisho Gawaarida sida walxaha qarxa sidoo kale uu farsamayn jiray.

Maxkamada ciidamada ayaana Xasan Cali Macalin Barre (Xasan Boy) ku xukuntay dil toogasho ah, halka Sayid Cali Aadan Nuur (Istiin Boy) Maxkamada ku xukuntay Xabsi daa’in,waxa ayna ragan racfaan ka qaadan karaan Xukunka maxkamada ku riday.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa wax dambi ah ku weysay Muxudiin Max’ed Axmed Khaliif (C Jey) oo isna loo soo xiray in uu xiriir la lahaa ragan la xukumay , waxa ayna maxkamada ammartay in la sii daayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo ogolaaday in Dalalka Sweden iyo Finland ku biiraan Gaashaanbuurta NATO

Cabdi Cade

Dal kale oo wafdi u diray Somaliland iyo Madaxweyne Biixi oo qaabilay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta oo Yemen ka bilaabanaya iyo Sacuudiga oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---