Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hooyo & wiil ay dhashay oo ka mid noqday dadkii ku dhintay Qaraxii maanta

Saameynta murugada leh ee uu reebay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee lala beegsaday Baar Italia oo u dhow Muqdisho Mall, degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah hooyo iyo wiil ay dhashay oo ka mid noqday dadkii ku naf waayey qaraxaas.

Hooyo Shukri C/llaahi iyo wiilkeedii Jacfar oo 17 sano jir ahaa ayaa ku sugnaa goobta uu ka dhacay qarixii maanta, waxaana wiilka la sheegay inuu dhowaan ka qalin jebiyey dugsiga Sare, isagoo isku diyaarinayey waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda.

Caruurta ay ka tagtay hooyadan oo gaaraya lix ayaa waxaa ugu weynaa wiilka la geeriyooday, iyadoo midka ugu yarna uu maalmo kaliya ifka ku nool yahay.

Qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay dad ka badan 20 qof, iyadoo dadka ku dhintay ay ka mid yihiin shaqaalaha Baarka, wiil caseeye ahaa iyo dad ku sugnaa baarka oo ay wehliyaan qaar kale oo wadadda xilligaasi marayey.

Qaraxan ayaa noqanaya kii ugu khasaaraha badnaa ee sanadkan 2019ka ka dhaca guud ahaan Somalia, waxaana masuuliyadiida sheegatay Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Dowlada oo dhoor bilood wax Mushaar ah qaadan iyo cabasho laga muujiyay

Cabdi Cade

Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur oo la kulmay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Eeyaha jooga Gaza oo bilaabay in meydadka cunaan iyo xaalad adag oo ka taagan Isbitaalka …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---