Ra’isul Wasaare Kheyre oo goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada …

Waxaa goordhaw magaalada Xudur ee caasimada gobolka Bakool gaaray Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayay .

Wafdiga Ra’isul Wasaaraha waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo magaalada kaga sii horeeyay , masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Xudur.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa in uu la hadlo dadka ku dhaqan magaalada Xudur ee maanta sida weyn usoo dhaweeyay, waxa uu sidoo kale kulamo la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Ra’isu Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmahan ku sugan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana labadii habeen ee lasoo dhaafay Ra’isul Wasaare Kheyre ku hoyday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -