Dayuurad ay la socdeen ciidamo Kumandos Itoobiyaan ah oo laga celiyey garoonka Kismaayo

Maanta waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo hawadeeda soo gashey diyaarad nooca militariga ah oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya taasoo kasoo kacdey magaalada Godey ee dalka Itoobiya sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Jubbaland.

Dayuuradan oo ay saarnaayeen 94 askari oo ka tirsan ciidamada kumaandoska ee Itoobiya iyo 4 duuliyayaal ayaa markii ay soo gashey hawada garoonka Kismaayo waxay maamulka garoonku ku wargeliyeen inayna soo degi karin maadaama aan warbixinteeda horey loo haynin.

Intaas kadib ciidamada Itoobiya ayaa kasoo ruqaansadey xeradooda oo ku taala duleedka Kismaayo iskuna dayey inay garoonka diyaaradaha Kismaayo xoog ku galaan si ay diyaaradaasi usoo degto.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Amisom ee Kenya ayaa ka hor istaagey una diiday inay garoonka gudaha u galaan ciidamada Itoobiya, inta uu muranku taagnaa waxaa markale hawada soo gashey diyaaradii islamarkiina maamulka garoonka ayaa ku wargeliyey inay laabato una diiday inay degto.

Kadib markii ay ciidamada Itoobiya ku guuleysan waayeen galitaanka garoonka iyo soo dajinta diyaaradooda ayay dib ugu laabteen xeradooda oo ku taala deegaanka madhamaato oo 5km u jirta Kismaayo.

Diyaaradii milatari ayaa sida wararku sheegayaan caawa waxay ku hooyatey magaalada Baydhabo ee xarunta koonfur galbeed.

Barri ayaa la filayaa inuu taliyaha guud ee ciidamada Amisom Tigabu Yilma soo gaaro magaalada Kismaayo si arrintan looga gaaro xal kama danbeys ah sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -