ONLF oo War kasoo saartay Xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Dowlad deegaanka

Ururka ONLF ayaa war kasoo saaray xiisada siyaasadeed ee xiligan ka taagan dowlad deegaanka Soomaalida gaar ahaan khilaafka la sheegay in uu u dhaxeeyo labo garab ay kala hogaamiyaan Madaxweyne Mustafa Cagjar iyo Axmed Shido.

Qoraal kasoo baxay ONLF ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaalida ee ku nool Dowlad Deegaanka ay xaq u leeyihiin inay ka tashadaan arrimahooda siyaasadda isla markaasna ay ismaamulaan sida uu dhigayo dastuurka Itoobiya iyo xeerarka caalamiga ah.

ONLF ayaa ugu baaqday Dowlada federaalka Itoobiya iyo xisbiga haya talada dowlad deegaanka Soomaalida in ay qadariyaan rabitaanka shacabka kana digtoonaadaad talaabo kasta oo qatar galin karta xasiloonida iyo amniga deegaanka.

Qoraalka kasoo baxay Ururka ONLF ayaa loogu baaqay dhinacyada khilaafka u dhaxeeyo in ay miiska wada fadhiisaan waxa la isku haana lagu xalio cadaalada iyada oo lala tashanayo dhamaan dhinacada ay khuseso.

“ONLF waxaa ka go’an xaqiijinta nabadda iyo in maamul dimuqraadi ah uu ka jiro Dowlad Deegaanka Soomaalida,waxaana loogu baaqaya dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ilaaliyaan mabaadii’daasi” ayaa lagu iri qoraalka ONLF.

Xiisad siyaasadeed oo aad u cakiran ayaa ka taagan magaalada Jigjiga, xiisadan ayaana ka dhalatay khilaaf soo kala dhax galay Madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida iyo Gudoomiyaha xisbiga Soomaalida Itoobiya oo sidoo kale ah Wasiir Federaal Axmed Shido.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -