Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaraxyo dhimasho & dhaawac geystay oo lagu weeraray ciidamada AMISOM

Labo qarax oo isxigay ayaa ciidamo ka tirsan kuwo AMISOM lagula beegsaday degaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

Ciidamada la qarxiyey ayaa ku sugnaa agagaarka saldhig ay ku leeyihiin degaanka Buurane, waxaana la sheegay in qaraxa koowaad uusan geysan khasaare badan balse qarax labaad ayaa ka dhacay goobta markii ay gaareen ciidamo gurmad ah, kaasoo geystay khasaare badan.

“Markii uu dhacay qaraxa hore waxaa goobta yimid ciidamo gurmad ah ka dibna waxaa dhacay qarax kale, sida muuqatana qaraxa dambe waxaa uu shaa mid lagu shirqoolayey ciidamada ku baxay qaraxii hore” ayuu yiri goob jooge halkaas ku sugnaa.

Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa ku geeriyooday qaraxa labaad, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Qaraxyada ka dibn ciidamada AMISOM ayaa degaanka ka sameeyey howlgalo lagu soo xirxiray dhalinyaro looga shakisan yahay iney ku jiraan kuwii ka dambeeyey labada qarax ee halkaas ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/xGJEnVd05cQ

Related posts

Kalluumeysato lagu la’yahay xeebaha Muqdisho & dowlada Somalia oo digniin soo saartay

Caydiid Ali

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo gaba gabeysay la tashiga Xisbiyada Dalka (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliyaha ciidanka dhulka oo tagay xerada Arbacow amarna siiyay ciidanka jooga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---