Allbanaadir.com
NEWS

Dad ka badan 260-qof oo Sacuudiga Cumra u aaday oo loo diiday in dalkaasi galaan

Dowladda Sacuudiga ayaa u diiday in dalkeeda galaan 264-qof oo muslimiin u dhalatay dalka Nageria, kuwaa oo dalkaasi u tagayay in ay soo cumreestaan, waxaana xusid mudan in dadkaani ay wateen viisaha dal ku galka Sacuudiga.

Dadkaan ayaa markii ay diyaarada ka degteen ayna gaareen Sacuudiga lagala noqday Viisaha Sacuudiga, waxaana dhammaan dadkan dib loogu celiyay dalka Nageria ay kasoo safreen gaar ahaan magaalooyinka Kanu iyo Lagos.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dadkaan loo diiday in ay galaan Sacuudiga ay mareen dhammaan habraacyadii rasmiga aheyd ee laga rabay dadka tagaya Sacuudiga , gaar ahaan kuwa cumrada u tagaya dhulka barakeysan.

Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa dadkan cumrada u socday u diiday in ay diyaarada kasoo degaan markii ay Sacuudiga gaareen, lamana sheegin dadkan sababta rasmiga ah ee loogu diiday in ay galaan Sacuudiga una cumreestaan.

Dowladda Sacuudiga ayaan wali ka hadlin sababta rasmiga ah ee dadkan uga celisay dalkeeda, mana jiro ilaa hadda faah faahino badan oo laga bixiyay sababta dadkan loogu diiday in Sacuuduga galaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirrada oo soo saaray go’aanno adag oo ku wajahan Amniga dalka

Cabdi Cade

Dowlad Shisheeye oo Somaliland ka taageereysa carqaladeynta hawada Soomaaliya

Cabdi Cade

Wasiir Warfaa oo la kulmay Masuuliyiin katirsan dowlada Jarmalka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---