Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo ku casuumay in Muqdisho timaado Marwo Samia Suluhu (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Dar Es Salaam kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Tanzania ayaa kulankooda ku falanqeeyay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo arrimaha gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guda jira socdaal rasmi ah oo uu ku joogo dalka Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, kadib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Samia Suluhu Hassan.

Madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu ayaa sidoo kale kulankaasi ku aqbashey martiqaad uu u fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah inay socdaal ku timaaddo Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Kenya oo nolosha ku qabtay nin jaceylkiisa kusoo dilay dalka Mareykanka

Cabdi Cade

Dowlado ka tirsan caalamka oo si kulul uga hadlay qaraxii shalay ka dhacay Jidka Maka Al Mukarama

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dagaalo & qaraxyo ka dhacay Magaalada Khartuum

Caydiid Ali
Taboola Ads ---