RW Somalia oo Kumanaan dadweyne kula hadlay Garoonka K/Cagta Baydhabo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo soo gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta Kumeel gaarka ah dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Madaxweyaha iyo gudddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaraaraha oo kumannaan dadweyne ah oo soo dhaweyntiisa isugu soo baxay kula hadlay garoonka kubbadda Cagta ee Dr. Ayuub, ayaa bulshada reer Koonfur uu uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaran ee wafdigiisa ay u sameeyeen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicsiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay booqashada ku yimid deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay horumarinta deegaanka iyo sida uu u wanaajiyay xariirka dowladda dhexe iyo Koofur Galbeed, ayaa sheegay inta uu joogo in uu kala hadli doono horumarinta caafimadka, waxbarashada, adkeynta amniga, xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com   

- Advertisement -