Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Beesha caalamka War ka soo saartay Shirka dib u heshiisiinta Galmudug (Akhriso)

Wakiilada Beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed wadajir ah kasoo saaray Xaaladda Galmudug iyo Shirka Dib u heshiisiinta ee ka furmay magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa War-saxaafadeedka soo saaray Midowga Afrika. AMISOM, Denmark, Ethiopia, European Union (EU), Germany, IGAD, Italy, Sweden, United Kingdom, UNSOM iyo Mareykanka.

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug, waxayna hoosta ka xariiqeen muhiimada dib u heshiisiin loo dhan yahay u leedahay qabashada doorashada maamulka Galmudug ee la layo inay dhowaan dhacdo.

“Waxaan soo dhoweyneynaa sida ay dhammaan dhinacyada ay Khuseyso uga go’an tahay dib u heshiisiin loo dhan yahay, waxaana bogaadineynaa dadaalka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale Maamulka Galmudug, odayaasha dhaqanka ee suurageliyay in dadkaas oo dhan la isu keeno” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

Waxay kaloo soo dhoweeyeen in ka qeyb galayaashii shirka Hobyo ay ku biireen shirka dib u heshiisiinta Dhuusamareeb.

Waxay beesha caalamka u rajeysay shirka Dhuusamareeb inuu noqdo mira-dhala oo dhidibada loogu aaso Galmudug mideysan oo xasiloon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com   

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Siyaasi sheegay in Siyaasadda dalkeenna uu ka lumay qiyamkii iyo akhlaaqdii runta aheyd

Cabdi Cade

Dagaal dhimasho & dhaawac geystay oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday kaniisad & baaritaano socda (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---