Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga, Ruushka iyo Iran oo ka shiraya dagaalka Siiriya

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa  Ankara ka sheegay in si dhaqso loo qaban doono kulan saddex -geesood ah oo u dhaxeeya Turkiga, Ruushka iyo Iran si looga wadahadlo xiisadda Suuriya.

Araghchi, wuxuu la kulmay dhiggiisa Turkiga, Hakan Fidan isagoo kulanka ku sheegay inuu ku dhammaaday waji wanaagsan oo saaxibtinimo

Laakin natiijadu waa inaysan hadda ku filnayn Iran oo dagaalyahanno galinaysa Suuriya inay ku qanciso Turkiga inuu joojiyo dhaqdhaqaaqa mucaaradka.

Kulanka, wuxuu ku dhammaaday in duullaanka uu riixayo Turkiga in lagu dhammeyn karo wada-xaajood cusub oo door siinaya sunniyiinta Carabta ee u dagaallamaya inay dib u helaan dhulkooda horey looga barakiciyay howlgalkoodana lagu hakiyo magaalada Xamaa

Arrintan ayaa sidoo kale ka tilmaam kacaysa Turkiga inuu gaaray ujeeddada laga lahaa duullaanka ee la xiriira in khatarta laga fogeeyo xadkiisa oo loo heli karo aag nabdoon qaxootiga Suuriya ee Turkiga uu doonayo in lagu celiyo dhulkooda.

Related posts

Donald Trump oo bogaadiyay Xildhibaan dharbaaxay Wariye Wareesanayay

Cabdi Cade

Dowladaha Safka hore iyo ATMIS oo heshiis ka gaaray Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Faahfaahin laga bixiyey natiijada ka dhalatay howlgalada ka socda Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---