Haweeney Gacan yare u aheyd Trump oo arin xasaasi ah darteyd shaqada looga ceyriyay 

Haweeney gacan yare khaas ah u aheyd Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada laga eryay, kadib markii la ogaaday in Warbaahinta la wadaagtay arin xasaasi ah oon la ogoleyn.

Madeleine Westerhoutm oo 29 jir ah ayaa laga ceyriyay shaqadii ay u heysay Madaxweyne Donald Trump, waxaana la amray haweeneydan in aysan soo gali karin aqalka cad ee looga arimiyo Mareykanka.

Trump ayaa shaqada ka ceyriyay haweeneydan kadib markii uu ogaaday xog gaar u aheyd in ay la wadaagtay Wariyaasha, waxaana haweeneydan  Warbaahinta u sheegtay hadalo la isku dhaafsaday kulan casho ah uu sameeyay Madaxweynaha oo laga qariyay Wariyaasha

Warbaahinta dalka Mareykanka qaarkood ayaa ku waramay in haweeneydan gacan yaraha u aheyd Madaxweyne Trump markii xogta qarsoodiga aheyd bixineysay ay khamri cabeesay, waxa ay sidoo kale Wariyaasha u sheegtay arimo kale oo xasaasi ah.

Trump ayaa ka carooday in haweeneydan iyada oo khamri cabeysa ay dibadda soo dhigtay xog khaas ah oo ku saabsan qoyskiisa, waxa sidoo kale ka careesiiyay Trump in ay bixisay xogta hadalo la isku dhaafsaday Aqalka Cad.

Haweeneydan laga eryay shaqada aqalka cad ayaa gacan yare u aheyd Madaxweyne Trump tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay, waxaana haweeneydan horey loogu tuhmay in xogo qarsoodi ahaa iyo arimo kale Warbaahinta la wadaagtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -