Madaxda dalka oo ka qeyb galay Janaaso lagu dukaday Meydka Eng Yariisow (Sawirro)

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho salaada Janaasada lagula dukaday Meydka Gudoomiyihii gobolka Banaadir Marxuum Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow .

Salaada Janaasada ee lagu dukaday Meydka Eng Yariisow waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Guddoomiyaasha labada Aqal, Xildhibaano, Wasiiro iyo masuuliyiin kale.

Waxaa sidoo kale goordhaw la filayaa in meydka Gudoomiyaha gobolka Banaadir lagu aaso qabuuro loo diyaariyay oo kuyaala dugsiga tababarka ciidamada Booliska General Kaahiye, waxaana aaska ka qeyb galaya qaar kamid ah madaxda sare.

Geerida Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa noqotay mid aad looga naxay, mana jirto ilaa hada natiijo kasoo baxday baaritaanka lagu sameeyay qaabkii uu u dhacay iyo cidii ka dambeesay qaraxii lagu dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -