Ergada Beesha Sacad Uga Qayb Geleysa Shirka Dib-u-heshiisiinta Oo gaaray Dhuusamareeb (Sawirro)

Gudiga qaban-qaabada dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay ergada Beesha Sacad uga qeyb geleysa shir-weynaha la isugu keenayo dhammaan beelaha Galmudug si ay uga wada hadlaan qorshaha dhismaha Galmudug .

Ugaas Cabdi daahir Ugaas Nuur oo ku hadlay afka bulshada ku nool Dhuusamareeb ayaa munaasabadda soo dhaweynta ka sheegay in gacma furan kusoo dhaweynayaan ergada ka socota Gaalkacyo ee ka qayb gelaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Nabadoonno kamid ah ergada ka timid Gaalkacyo oo caddeeyay in ay u yimaadeen ka qayb galka gogosha fidsan ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta qiimaha badan, waxa ayna Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo guddiga qaban-qaabada shir-weynada dib-u-heshiisiinta ku ammaaneen howsha ballaaran ee ay u hayaan reer Galmudug.

Xildhibaan Ubax Tahliil oo munaasabadda soo dhaweynta ka hadashay ayaa madaxda qaranka uga mahadcelisay dadaallada hagar la’aaneed ee ay ugu jiraan dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

Guddomiye ku-xigeenka guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa caddeeyay in guddigu ay ku faraxsanyihiin in reer Gaalkacyo ay casuumaadii ay u fidiyeen kasoo jawaabeen, ayna usoo diyaar garoobeen ka qayb galka shir-weynaha lagu doonayo in reer Galmudug ay aayahooda uga tashadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -