Cabsi kusoo korortay Muqdisho iyo taliska Booliiska oo fariin u diray Shacabka

Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay kusoo kordhay dhac kooxo hubeesan oo wata mootooyin ay u geesanayaan dadka shacabka ah gaar ahaan dhalinyarada .

Kooxahan hubeesan oo wata qoryo iyo biskoolado ayaa dhac ka geesta xaafadaha qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxa ayna inta badan kooxahan dhacaan moobeelada , Laptobka iyo agabka fudud ay gacmaha lagu wato.

Shacabka ku dhaqan qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho ayaana cabsi xoogan lasoo daristay kuwaa oo qaarkood xiliyada habeenkii guryaha kasoo bixin halka kuwa kalana ay telfoonada guryaha uga soo tagtaan.

Taliye kuxigeenka booliiska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in cabashada shacabka ay soo gaartay ayna ka jawaabayaan ciidanka booliiska, waxa ayna shacabka ugu baaqday in soo wacaan numberka gaaban ee booliiska.

”Iyadoo malmihii la soo dhaafay isoo gaareen cabashooyin la xiriir xatooyo moobile iyo dhib kale loo geeystay dhalinyaro Soomaliyeed waxaan mar labaad bulshada Soomaliyees gaar ahaan kuwa dagan Gobolka Banadir soo xasuusinaayaa in numberka 991 wacdaan hada la kuluntaan dhib si ay saraakiisha howlgalada isla markii ay wax ka qabtaan” ayey tiri Jenaraal Zakiya.

Kooxo hubeesan oo qaarkood isticmaala dareeska ciidanka dowlada ayaana dhac joogta ah ka geesta Degmooyinka gobolka Banaadir, kooxahan ayaana qaarkooda dhaca u bareera dharaarta cad halka kuwa kalan ahabeenkii xaafadaha qaar ka qaraabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -