Amar khuseeya xoojinta amniga oo ka soo baxay Maamulka gobolka Banaadir

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho laga mamnuucay goobaha hubka lagu iibiyo cidii lagu arkana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in isbedelo dhinaca amniga ah oo todobaadyadii la soo dhaafay laga dareemay magaalada Muqdisho taasoo uu sheegay iney ku timid dedaalka ay wadaan ciidamada amaanka qeybahooda kala duwan.

Tuulax ayaa intaas ku daray in ciidamada Booliska ee dhawaan laga howlgeliyay magaalada Muqdisho ay wax badan ka bedeleen amniga, isla markaana ay dareemeen shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Shacabka gobolka Banaadir ayuu xusay inay socon karaan xilligii ay doonaan habeenkii taasoo uu sheegay inay caddeyn u tahay isbedelka amni ee ka jira Magaalada.

“Ciidamada boolisku waxay tageen goobo aysan horay u tegi jirin oo ku yaalla degmada Wadajir, waxayna aheyd meel hubka lagu keydsado dadkii goobtaas joogayna ciidamada tallaabo ayay ka qaadeen” ayuu yiri guddoomiye Tuulax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -