Dowlada Kenya oo War ka soo saartay doorashadii Axmed Madoobe (Akhriso)

Wasaaradda arrimaha Dibadda dowladda Kenya ayaa qoraal ay soo saartay ugu hambalyeysay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo shalay mar kale dib loo doortay.

Qoaral ka soo baxay Wasaarada ayaa dowladda Federaalka loogu baaqay inay la shaqeyso dowlad Goboleedka Jubbaland, isla markaana wixii ka dhex-jira ee khilaaf ahna wadahadal lagu wada xaliyo.

Warbaahinta dalka Kenya qaarkood ayaa horay u qoray in dowladda Kenya ay taageereyso in dib loo doorto Axmed Madoobe.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday natiijada ka soo baxday labo doorasho oo shalay ka dhacay magaalada Kismaayo kuwaasoo Madaxweynaha Jubbaland loogu kala doortay Axmed Madoobe iyo C/rashiid Xiddig, waxayna dowladu intaas ku dartay ineysan aqoonsaneyn doorashooyinkaas.

Hoos ka akhriso qoraalka Kenya oo English ku qoran:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -