Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirada oo magacaabay taliyeyaal ciidan oo uu ku jiro taliyaha rasmiga ah ee NISA

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada Difaaca, Nabad-sugidda, Booliiska Iyo Asluubta.

Golaha wasiirrada oo ka jawaabaya soo jeedinta wasaaradaha difaaca, amniga gudaha iyo cadaallada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay magagaabista taliyayaasha ciidanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa loo magacaabay Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa loo magacabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Booliiska ayaa loo magacaabay Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyada oo taliyada ciidanka Asluubta loo magacaaby Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

https://youtu.be/JRP5gczNXp4

Related posts

Madaxweyne Xasan Shiikh oo War kulul ka soo saaray dilka taliyihii Booliska G/Banaadir

Caydiid Ali

Dagaal Khasaaro kala duwan sababay oo saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Cabdi Cade

Dab lagu dhamaaday oo qabsaday Suuq ku yaalla Magaalada Davao (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---