Daawo Sawirada: Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo bilaabatay iyo Wakiilada beesha …

Waxaa goordhaw  magaalada Kismaayo ka bilaabatay doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ay ku tartamayaan afar musharax uu ku jiro Madaxweynaha waqtihiisu dhamaaday ee Axmed Madoobe.

Doorashadan goordhaw bilaabatay ayaa ka duwan doorashooyinkii ka dhacay maamul goboleedyada kale ee dalka, waxa ayna Doorashadan u muuqataa mid hal dhinac ah oo gacanta ugu jirta hal Musharax.

Hoolka ay ka dhaceyso doorashadan waxaa ku sugan Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaano mucaarad ku ah dowlada Dhaxe, waxaa sidoo kale ku sugan waxgarad iyo marti sharaf kale.

Doorashada waxaa ka maqan oon goob joog ka aheyn dowlada federaalka Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo labaduba aan raali ka aheyn sida ay ku socoto doorashada iyo agaasinkeeda.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa la filayaa in mar kale maanta Madaxweynaha Jubbaland loo doorto, waxaana doorashadan u muuqataa mid aan xiiso laheyn oo qof walbo ogyahay miro dhalkeeda.

Waxaa la isweediinayaa doorashadan maanta ka dhaceysa magaalada Kismaayo natiijada kasoo baxdo sida ay ku aqbali doonaan Dowlada federaalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo horey digniino uga soo saaray doorashadan kuna baaqay in mid hufan noqoto.

- Advertisement -