Madaxweyne Raisi: “Iiraan wax gorgortan ah kama geli doonto barmaamijka Nuclearka”

Madaxweynaha la doortay ee dowlada Iiraan, Ebrahim Raisi ayaa sheegay in heshiiska nukliyeerka ee 2015 uusan xaddidi doonin siyaasadda arrimaha dibadda ee Iiraan.

Shir jaraa’id oo uu qabtay, ayuu Raisi ku sheegay in danaha dadka Iiraan aanan lagu xiri doonin heshiiskaas.

Wuxuu sidoo kale ku adkeystay in barnaamijka hubka ee Iiraan uusan gorgortan Geli doonin, isagoo reer galbeedka u diray digniin culus.

Raisi, oo ah wadaad mayal adag oo Shiico ah isla markaana madax ka ah garsoorka Iiraan ayaa waxay aad isugu dhow yihiin Hoggaamiyaha Ruuxiga Ayatollah Ali Khamenei.

Wuxuu ku guuleystay doorashadii Jimcihii dhacday isagoo helay 62% wareeggii hore ee codbixinta.

Heshiiska nukliyeerka ayaa qarka u saarmay inuu burburo tan iyo markii Mareykanka uu isaga baxay isla markaana uu cunna qabateyn ku soo rogay Iiraan saddex sano ka hor, waxaana hadda socda qorshe lagu soo nooleynayo heshiiskaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -