(Sawirro) Maxaa ka soo baxay shir DF iyo deeq bixiyeyaasha u soo dhamaaday?

Waxaa guul ku soo dhammaaday shirkii gaarka ahaa ee Gorfeynta Marxaladda Soomaaliya oo ay ka soo qeyb galeen Dalalka deeq-bixiyeyaasha oo hoggaan ay u yihiin hay’adda Lagacta Adduunka IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi Maxamed Nur ayaa ka qeyb galayaashii shirka la wadaagay dadaalka iyo horumarka ay Soomaaliya ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda.

Dr. Elmi Maxamed Nur ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay fulisay dhammaan shuruudihii deyn-cafinta,  taageerana looga baahan yahay Saaxiibada caalamka.

“Waxaa guul innoogu soo dhammaaday shirkii gaarka ah (Roundtable) ee Soomaaliya iyo Dalalka deeq-bixiyeyaasha oo hoggaan ay u yihiin IMF iyo Bangiga Adduunka, Waxa aan la wadaagay dadaalka iyo horumarka aan ka gaarnay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, sidii aan u fulinnay dhammaan shuruudihii deyn-cafinta iyo taageerada looga baahan yahay Saaxiibada caalamka” ayuu yiri wasiirka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi Mohamoud Nur ayaa xaqiijiyay in natiijo lagu farxo iyo taageero wadar ogol ah ay kala kulmeen ka soo qayb galayaasha shirka gaarka ah ee dhinac socday shirka sanad laha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -