Ciidamada Dowlada oo gacanta kusoo dhigay nin Qaraxyo miino aasayay

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka October ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu katirsan yahay Al Shabaab, kaa oo xiliga la qabanayay qaraxyo miino ku aasayay inta u dhaxeysa Deegaanada Buufow Bacaad iyo Janaale.

Warbaahinta dowlada ayaa baahisay in ciidamada milatariga Soomaaliya gacanta ku dhigeen ninkan xili uu ku howlanaa in qaraxyo miino ku aaso wadada u dhaxeysa Buufow iyo Janaale oo inta badan maraan shacab iyo ciidanka dowlada.

Saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ninkan lasoo qabtay oon magaciisa la shaacin la horgeyn doono cadaalada si loogu qaado dambiyada loo heesto ay kamid yihiin in uu Al Shabaab katirsan yahay laguna soo qabtay fal dambiyeed.

Qaraxyo miino ayaa inta badan lagu aasaa wadooyinka gala deegaanada iyo degmooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada, qaraxyadan ayaana lala eegtaa ciidamada iyadoona mararka qaar ay waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -